Guddoomiyaha & duqa cusub ee Magaalada Gaalkacyo oo la doortay

Waxaa Magaalada Gaalkacayo lagu qabtay galabta doorashadii Gudoomiyaha Golaha degaanka degmada Gaalkacayo, waxaana goob joog ka ahaa xubno ka mida golaha Wasiirada Puntland

Golaha deegaanka Gaalkacyo oo ka kooban 31 xubnood ayaa Saahid Max’uud Sayn u doortay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo.

Saahid ayaa codad dhan 23 kaga guuleystay Cabdiqani Diiriye Dhegawyane oo la tartamayay kaasoo isna helay 7 cod oo kaliya, iyadoo uu xumaaday hal cod.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo u qeybsan labo qeybood oo kala hoos taga maamulada Puntland iyo galmudug, waana labo maamul oo kala madax banaan inkastoo ay ka dhexeyso wada shaqeyn la xiriirta amniga iyo nabadeynta magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -