Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii ay u weerareen xarunta Wasaarada Shaqada

Afhayeenka howlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay sababtii shalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab u weerareen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Wasaarada shaqada ay qoreysay ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay la dagaalamaan Al Shabaab, waxa uu sidoo kale sheegay in xarunta lagu qorayay ciidamo dhar cad ah oo wax basaasa .

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dharcadka ah ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada lagu qorayay loogu tala galay in ay basaasaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka howlagalada Al Shababa in weerarka lagu qaaday xarunta Wasaarada lagu dilay 15-qof ay ku jiraan masuuliyiin xilal ka haya dowlada sidoo kale lagu dhaawacay 26-qof oo kale.

Weerarkii shalay Al Shabaab ku qaadeen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa dadkii lagu dilay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqada Arimaha bulshada sidoo kale ahaa xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -