Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland oo la meel mariyay (Daawo Sawirada)

Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa meel mariyay Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada maamulka Jubbaland ayaa dood ay yeesheen kadib waxa ay qaab gacan taag ah ku ansixiyeen Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Guddigan oo ka kooban 7-xubnood waxaa xalay magacaabay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana guddigan loogu tala galay in ay diyaariyaan doorashada Jubbaland dhawaan ka dhaceysa.

Doorashada guud ee maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana shaki badan la galinayaa in Kismaayo ka dhacdo doorasho Madax banaan oo xur iyo xalaal ah.

- Advertisement -