Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Muxuu Taliye Jen. Bashiir Goobe ku soo arkay Xabsiga ugu weyn dalka Qadar oo uu booqday?

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qatar oo ku yaal Magaaladda Doha.

Taliyaha oo ay la socdeen Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa mid mid u tagay qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe ee Doha, waxaana qeybihii uu tagay kamid ahaa, Waxbarashada, Farsamadda, Warshaddaha, Maktabadda iyo Qeybta Jimicsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Qatar S/guuto Maxamed Sacuud Naasir Al Otaibi ayaa kawada hadlay dhismaha Xabsiyadda Soomaaliya iyo in khibraddaha Shaqo la is dhaafsado, horumarinta isgaarsiinta Ciidanka iyo arrimo kale.

Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa guul ku tilmaamay wada hadalka dhex maray labada dhinac, isaggoo tilmaamay in Safarka uu ku Qatar iyo Heshiisyadda dowladdaasi ay la galeen miro dhalkooda la arki doono dhowaan.

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda duleedka degmada Maxaas (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali

Wiilal Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay dalka Koonfur Afrika (Sawiro iyo Magacyada)

Cabdi Cade

Aabe Sacuudiyaan ah oo baraha buslshada ku baahiyay Muuqaal caro badan abuuray oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---