Wiilal Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay dalka Koonfur Afrika (Sawiro iyo Magacyada)

Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Pretoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeesan caawa weerar ku qaadeen dukaan ay ganacsato Soomaaliyeed ku laheyd deegaan katirsan magaalada Pretoria.

Kooxda burcada ah ayaa dukaanka ay weerarka ku qaadeen waxa ay ku dileen labo wiil oo Soomaali ah oo ka shaqeenayay dukaanka la weeraray , burcada dilka geesatay ayaana goobta ka baxsatay.

Dukaanka caawa lagu weeraray Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku yaalay deegaanka Soshunguv gaar ahaan xaafada Rosiin ee magaalada Pretoria, waxaana goobtaasi lagu dilay Abdifatah Ali Jimcale iyo Muumin Husein Wehliye.

Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya isla dukaankan in maalmo kahor lagu dhaawacay labo wiil oo Soomaali ah oo ka shaqeenayay, wiilasha dhaawaca ah ayaana lagu daweenayaa isbitaal kuyaala Pretoria.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanad kasta waxaa lagu dilaa dad badan oo Soomaali ah oo dalkaasi nolol u raadsaday, mana jirto cid u istaagtay wax ka qabashada dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee dalkaasi loogu geesto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -