Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuca Naqshadeynta Bulaacadaha iyo Biyo-mareennada Muqdisho oo la Daah-furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jamaac ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ka daah-furay mashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada  Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sannadkaan 2024, hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wannaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo ay maalgelineyso Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha naqshadeynta iyo dhismaha biyo-mareenada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Agaasimaha Hey’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa, Madaxda Hey’adda Hydro Nova, Maamulaha Guud ee Mashruuca Nagaad Md. Maxamed Nuur Xasan, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo Saadaq John u soo celiyey darajadii ciidanimo ee laga xayuubiyey

Caydiid Ali

Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray & Warar kala duwan oo ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---