Doorashada Xildhibaan ka mid noqday Golaha shacabka Somalia oo Muqdisho ka dhacday

Doorashadda kursi ka mid ah Kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kursigan ayaa horay waxaa horey uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi, waxaana ku tartamayay musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan oo ah wiil uu dhalay xildhibaanka geeriyooday.

Sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka Faatax Saciid Xasan Geedi oo uu dhalay Xildhibaankii horay uga geeriyooday Kursiga ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 32 Cod halka Cabdiraxmaan uu helay 5 cod, iyadoo codadka kale ay xumaadeen.

Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay kursiga maanta la qabtay doorashadiisa, ka dib markii maalmo ka hor la isku dayay in la qabto.

Guddiga doorashooyinka ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay buuxinta Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorashadda Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo isna banaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -