Ciidanka Booliiska oo qabtay Ciyaal Weero dhac iyo Dhaawac geestay

Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa qabtay seddex kamid ah ciyaal-weerada dadka shacabka ah u geesta dhaca iyo dhibaatooyin kalaba .

Kooxdan ciyaal-weerada burcada isku bedeshay ayaa xilliga la qabanayay  dhaawac u geysteen qof shacab ah kana qaateen telfoon iyo agabyo kale oo xilligaasi watay sida ay booliiska sheegeen.

Ciidanka booliiska ayaana howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay saddexdan nin ee burcadka ahaa iyo agabkii ay qaateen, waxaana kooxdan loo gudbiyay xarunta dambi baarista CID-da halkaas oo baaritaano dheeraad ah lagula sameenayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ciidanka booliiska ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedkeeda kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada hubeesan iyo ciyaalka weerada ee dadka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -