Labo Senatar kale oo goordhaw lagu doortay magaalada Kismaayo iyo Doorashada oo …

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland lagu doortay labo Senataor kale oo kamid noqonaya Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa loo doortay in uu noqdo senator katirsan Aqal Sare ee Baarlamanaka Federaalka kadib markii uu helay codad gaaraya 59-cod halka Musharaxii la tartameysay Xaliimo Jaamac Maxamed heshay 12- cod.

Waxaa sidoo kale goordhaw qaab gacan taag ah Senataro katirsan Aqalka sare loogu doortay Iftin Xasan Baasto oo horey uga tirsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana Iftin u tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay Faarax Yacquub.

Magaalada Kismaayo oo maanta ka bilaabatay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu doortay ilaa afar Senator oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka sare.

Doorashada Aqalka sare ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo ayaana lasoo gabo gabeeyay, waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan sidoo kale lagu doorto Kismaayo afarta Senatir kale ee u harsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -