Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Maraykanka oo u gurmaday Kumandoska Somalia oo la soo Weeraray

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa beeniyay hadal ka soo baxay Al-shabaab oo sheegayay in askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku dileen weerar xalay ka dhacay Gobolka Sh/hoose.

War-saxafaadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay garab siiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerar uu kaga yimid Alshabaab degaanka Daarusalaam ee Gobolka Sh/hoose.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 8 ka mida dagaalamayaasha Al-shabaab, mana jirin ayaa lagu yiri wax dhibaato ah oo ciidamada Maraykanka ka soo gaaray howlgalkan.

Dhinaca kale masuuliyiinta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay degaanka Daarul salaam ay ku geeriyootay haweeney ka tirsaneyd dadka degaanka, dhowr kale oo shacab ahna ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kamala Harris oo jeedisay hadal ka careysiiyey Netanyahu

Caydiid Ali

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiyada oo ka Warbixiyay waxii u qabsoomay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---