Noocyo ka mid ah dayuuradaha oo laga Mamnuucay garoomada Somalia (Daawo Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa hawada iyo garoomada dalka ka mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti oo ay kiro ahaan u adeegsadaan ciidamada AMISOM.

Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya ayaa mamnuucday diyaaradahaasi oo kala ah:  Antanov 24,  Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 Febraayo, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 Febraayo 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka Maarso.

heyadda duulista hawada ayaa sheegtay in dayuuradahan ay yihiin kuwo halis ah oo duugoobay. aysana qaarada afrika ku laheyn xarumo lagu dayactiro.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA NOOCYADA DAYUURADAHA DALKA LAGA MAMNUUCAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -