Al Shabaab oo Shaacisay in ay dileen Sargaal u dhashay dalka Mareykanka

War Kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fashiliyeen weerar ay ciidamo Mareykan  iyo kuwo Soomaali ah kusoo qaadeen deegaanka Daaru Salaam ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaal ay la galeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ku dileen sargaal u dhashay Mareykanka oo hogaaminayay howlgalka halka labo askari oo Mareykan ah iyana dhaawaceen.

“Mujaahidiintu dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam  waxay khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Daaru Salaam weerarka xalay saqdii dhaxe lagu soo qaaday ku dileen Lix askari oo katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay tababareen Mareykanka.

Dowlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkii ay xalay ka fuliyeen deegaanka Daaru Salaam iyo warka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan in weerarka ku dileen Sargaal Mareykan ah iyo ciidamo Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -