Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Caawa lagu soo dhaweeyay Kampala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Uganda, waxaana Madaxweynaha loo galbiyay hotel gaar ah oo loogu tala galay in uu dego.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa magaalada Kampala uga qeyb galaya shir beri ka furmaya oo loogu magac daray Afrika Now , waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaal kale oo Afrikaan ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Farmaajo shirka kadib in uu la kulmo qaar kamid ah Madaxda shirka ka qeyb galeysa iyo sidoo kale Madaxweynaha martida loo yahay ee Yuweri Musevani.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay safarada dalka dibadiisa ah, waxaana xusid mudan in Farmaajo horey u balan qaaday u uu yareyn doono safarada dibadda, isagoona ku dhaliilay Madaxdii ka horeesay safaro badan oon faa’iido ku jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay Qaxooti ku silicsanaa..

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka jawaabtay eedeyn kaga timid Soomaaliya

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo ka baxday Deegaan Muhiim ah iyo Ciidamada dowlada oo la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---