Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa AMISOM oo caawa ku dagaalamay Muqdisho

Ciidamo katirsan AMISOM iyo Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ee ku sugan bar koontarool oo kutaala agagaarka Isgooska KM-4 ayaa caawa waxaa dhax mara dagaal daqiiqado kooban socday.

Sida aan Wararka ku helnay kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM oo ka yimid dhinaca KM-4 ayaa laga celiyay Koontaroolka laga galo garoonka Aadan Cadde, waxa ayna Ciidamada NISA u sheegeen kolonyada AMISOM in jidka xiran yahay.

Ciidamada AMISOM ayaa ka biyo diiday amarka ciidamada nabad sugida waxa ayna xoog ku mareen koontaroolka, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhax maray labada ciidaman ee Nabad sugida iyo AMISOM.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu khasaaro ka dhashay iska hor imaadka labada ciidan dhax maray, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaalia iyo taliska AMISOM.

Ciidamada Nabad sugida ayaa feejignaan ku jiray xiliga ay rasaasa kala kulmayeen ciidamada AMISOM, waxaana ciidanka lagu amray in wax gaadiid ah aysan ka gudbi karin laamiga aada dhinaca Garoonka Aadan Cadde.,

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -