Dalalka ay u dhasheen Dadkii ku dhintay Diyaarada Ethiopian Airlines oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

Waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa Diyaarada Ethiopian Airlines oo maanta ku dhacday Duleedka magaalada Adis Ababa daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka caalamiga ee Bole.

Diyaarada ay la socdeen 149-rakaab iyo 8-shaqaalaha diyaarada kamid ah ayaa ku dhacday deegaanka Bishoftu oo 62-km u jirta magaalada Adis Ababa , waxaana goobtaasi loogu tagay bur burka diyaarada .

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa tacsi u diray dadka eheladooda ay ku dhinteen shilka diyaaradeed, waxaana dadka ku dhintay shilkaasi u badnaa dad kasoo jeeda dalka Kenya halka dadka labaad ee ugu badan ee dhintay u dhasheen dalka Canada.

Dadka Shilkan ku dhintay waxaa sidoo kale kamid ahaa Muwaadin Soonaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Shahaad) oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaalia

Halkan bka AKhriso Wadamada ay kasoo kala jeedaan dadka shilka ku dhintay 

32 Kenyan

18 Canada

9 Ethiopian

8 Chinese

8 Italian

8 US

7 British

7 France

6 Egypt

5 Netherlands

4 UN passport

4 Indian

3 Russian

2 Moroccan

2 Israeli

1 Belgian

1 Ugandan

1 Yemeni

1 Sudanese

1 Togo

1 Mozambican

1 Norwegian

1 Somali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -