Aabe Gabadhiisa ku biirtay Daacish oo Codsi Qiiro leh u diray Dowlada Britain (Sawirro)

Aabaha dhalay Shamima Begum oo ku biirtay Kooxda Daacish iyada oo 15-sano jir ah sanadkii 2015-kii, ayaa ka codsaday dowlada Britain in gabadhiisa loo ogolaado in mar kale kusoo laabato Britain.

Axmed Cali oo 60-sano jir ah ayaa raali galin ka bixiyay ku biiritaankii gabadhiisa ee kooxda Daacish, waxa uuna sheegay  in gabadhiisa markii Daacish ku biireysay ay aheyd gabar aan qaan gaarin oon wax badan kala og.

Waxa uu ka codsaday dowlada in gabadhiisa oo hada ku dhibaateesan xero qaxooti oo kutaala dalka Siiriya in loo ogolaado in Britain kusoo laabato ayna dowlada xitaa ku ciqaabto dambiga ay gashay.

”Wey qaldaneyd gabadheeda, raali galin ayaana ka siinaya qof kasta oo British ah iyo dowlada, waan ka xumahay waxa ay sameesay Shamima ,waxaana ka codsanyaa qof kasta oo British ah in uu cafiyo gabadheeda, waxa ay aheyd markii la duufsanayay ay ku biireysay Daacish mid aan qaangaarin oon caqli badan laheyn” Ayuu yiri aabaha dhalay gabadha Daacish ku biirtay.

Shamima Begum iyada iyo labo gabdhood kale oo iskuuley ahaa ayaa sanadkii 2015-kii bu biiray kooxda Daacish, waxaana gabadhan guursaday dagaalyahan katirsan kooxda Daacish oo u dhashay dalka Holand kaa ay u dhashay sadex caruur ah oo ka saqiirtay.

Sheekada gabadhan ayaa Warbaahinta Britain qabsaay kadib markii Wariye katirsan Wargeysa The Times uu si lama filaan ah kula kulmay xero qaxooti, waxa uuna ka qaaday Wareysi ay ku codsaneysay in loo ogolaado in Britain ku laabato.

Shamima ayaa xiliga ay wareysiga bixineysay laheyd uur 9-bilood ah, waxa ayna maalmo kadib xerada qaxootiga ku dhashay wiil ay u bixisay Jerah, wiilkan yar ayaan 18-maalmood kadib xerada ugu geeriyooday xanuun dhinaca samsabada ah.

Dowlada Britain ayaa diiday in gabadhan mar kale dalka dib ugu soo laabato, waxa ayna taasi badalkeeda dowlada Britain gabadhaasi kooxda Daacish ku biirtay kala noqotay dhalashada.

Warbaahinta dalka Britain ayaa aad u hadal haya geerida ku timid wiilka ay dhashay gabadhan lagala noqday dhalashadii Britain, waxaana dowlada lagu eedeeyay in ay sabab u noqotay geerida wiilkaasi iyo xaalada hada heesata Shamima.

Afhayeen u hadlay Xukuumada Britian ayaa musiibo ku tilmaamay geerida wiilka ay dhashay Shamima, waxaa sidoo kale geerida wiilkan yar ka hadlay siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada katirsan.

Codsiga uu dowlada Britain u diray aabaha dhalay Shamima ayaa dad badan dareenkooda badalay, waxaana socda codsiyo ay dad badan uga dalbanayaan in dowlada Britian dalka dib ugu soo celiso gabadhaasi ku biirtay kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -