Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Maareeye oo ku goodiyey inuu ka baxayo dowladda federaalka Somalia

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay wadahadalada la filayo iney mar kale isugu yimaadaan dowlada fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dowlada uu ka mid ka yahay ee Soomaaliya ka dalbaday in laga guul gaaro wadahadalada Somaliland.

Maareeye ayaa sheegay in isaguu yahay shaqsi matala shacabka reer Somaliland ee raba midnimada Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyey inuu isaga baxayo dowlada haddii wadahadaladu noqdaan kuwo lagu qiyaanayo Somaliland.

“Waxaa muhiim ah in wadahadalada daacad laga noqdo oo aysan noqonin kuwo lagu dhagrayo shacabka Somaliland ee doonaya midnimada haddii taas la waayo ana waan tegay” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkan ka jeediyey Munaasabad balaaran oo xalay lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Hadalka Maareeye ayaa ku soo aadaya xili dhowaan Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Maxamed C/llaahi Oomaar uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka tanaasulay fekerkiisii ku saleysnaa midnimada Somalia, waxaana ka sii horeeyey siyaasiyiin kale oo xilal ka soo qabtay dowladihii isaga dambeeyey talada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo ka qeyb galay Xus weyn oo lagu qabtay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Mustafe Cagjar oo war ka soo saaray dilkii Xildhibaan Juweria Subcis & dhaawaca dad kale

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---