Mustafe Cagjar oo war ka soo saaray dilkii Xildhibaan Juweria Subcis & dhaawaca dad kale

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, taasoo ku naf weysay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidanka federaalka Itoobiya

Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka tacsiyadeeyey geeruida marxuumada Waxanaa uu sidoo kale sheegay inuu xannuunka la qeybsanayo dadkii dhaawacmay.

“Waxaa la saaray guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan”, ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

Waxaa uu sidookale shegay in askarigii dilka geystay uu mudan doono ciqaab adag oo sharciga waafaqsan, xabsigana uu ku jiro haatan, isagoo xusay in maxkamad la soo taagi doono.

“Ciidamada amaanka ee Deegaanka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin”, ayuu intaas raaciyay Mustafe Muxumed Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -