Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay daadad xoogan oo xalay ku rogmaday magaalada Qardho

Daadad xooggan oo ka dhashay roobab ka da’ay magaalada Qardho ee maamulka Puntlanad, ayaa sababay in xalay fiidkii daadad xooggan magaalada kusoo rogmadaan, waxaana daadadkan ka dhashay khasaaro aad u badan .

Sida aan wararka ku helnay biyaha roobka oo buuxiyay togag magaalada mara ayaa sababay in magaalada biyo badan kusoo fatahaan, waxaana biyaha kusoo fatahay magaalada qaadeen dad iyo duunyo.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay daadadka xalay kusoo rogmaday magaalada Qardho, waxaana jirta in khasaaraha inta hada la ogyahay kasii bataan maadaama suurto gal tahay in dad aan wali la ogeyn waxyeelo soo gaartay.

Korontadii magaalada ayaa dantay, waxaana dadka qaar ku adkaatay in guryahooda oo biyo ugu soo galeen ka baxaan, halka dad kalana waagu ugu baryay banaanada markii guryahooda biyo badan buux dhaafiyeen.

Maamulka magaalada Qardho u qaabilsan Puntland ayaa sheegay in ay jiraan khasaaro badan oo ka dhashay daadadka xalay kusoo rogmaday, waxa ayna shaaciyeen in hadda socdo gurmad dibna ka shaacin doonaan khasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -