Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo eedeyn yaab leh u jeediyey Xisbiga Dimoqraadiga

Madaxweynaha Maryekanka Donald Trump ayaa sheegey in go’aanka xisbiga Dimuqraaddiga ay ku gaareen inay wareystaan qareenkiisii hore Michael Cohen isla waqtigii uu isaga la kulmayay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ay sababtay in uu fashilmo kulankaas.

Eedeynta Trump oo dad badan ka yaabisay ayuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka in xisbiga Dimuqraddiga ay wareysteen “beenaale qirtay beentiisa” ayna ku soo aaddiyeen xilii uu dhacayay shir muhim ah oo Nukliyerka looga hadlayay, taasina ay sababtay in shirka lagu kala kaco.

Cohen oo Trump u ahaa qareen muddo 10 sano ah ayaa madaxweynaha ugu yeeray “beenaale, qaa’in iyo cunsuri” intii ay socotey dhageysiga su’aalo weydiintiisa Aqalka Wakiillada.

Waxa uu sheegey in madaxweynuhu uu galay dambiyo inta uu xafiiska joogey, taasi oo Dimuqraaddigu u saamaxdey inay ku baaqaan baaritaanno dheeraad ah.​

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Baydhabo (Akhriso)

Cabdi Cade

Farmaajo oo si adag uga hadlay qorshe ay beri damscsan yihiin Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa

Cabdi Cade

RW Ku-xigeenka oo furay shir arrin Muhiim ah looga hadlayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---