FBI oo baareysa fariimo hanjabaad ah oo lala beegsaday Ilhaan Cumar

Heyadda dembi baarista Maraykanka ee FBI sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso Farriin Nacayb ah oo lala beegsaday Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad Somali Maraykanka ka tirsan Kongareska Maraykanka.

Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da waxay sheegtay  inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo in Ilhaan Cumar la dili doono.

FBI-da waxay sheegeen in Qoraalka Hanjabaadda lagu qoray derbiga Suulli ku yaalla Kaalin Shidaal,  isla markaana ay baaritaan ku hayaan Nin lagu tuhunsan yahay inuu qoray Farriintaasi.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Barayn Raynis ayaa la sheegay inuu bishii hore ee Febraayo 22-dii lagu arkay agagaarka Kaalinka Shidaalka ee derbigiisa qoraalka loogu hanjabayo Ilhaan Cumar lagu qoray.

Barayn Raynis waxa uu sheegay inuusan marnaba ka dambeynin qoraalkan hase ahaatee saraakiisha FBI-da ayaa weli wada baaritaankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -