Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax kale oo Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xaalada oo kacsan

Waxaa goordhaw qarax kale uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukarama, waxaana qaraxan uu yahay mid wax xoogaa ka yaraa kii caawa fiidkii ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama.

Qaraxan goordhaw dhacay ayaa wali si rasmi ah loo ogeyn goobta uu ka dhacay, waxaana dadka qaar sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama qeybo kamid ah.

Wali si rasmi ah looma oga goobta lala eegtay qaraxa labaad ee goordhaw dhacay, waxaana sidoo kale la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa kale ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa xaalad kacsanaan ah wali ka jirta magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, waxaana qeybo badan oo laamigaasi caawa xiray kuna sugan ciidamada amaanka Soomaaliya

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab khasaaro geestay oo qabsaday qeyb Kamid ah Keydka Hadalka Radio Muqdisho

Cabdi Cade

Japan oo taageero weyn u balan-qaaday dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Nin Kaligiis kunool dhul cidlo ah Qofkii uu arkanaya dilaya !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---