Dagaal culus oo dhexmaraya Taliban & xoogaga iska caabinta dooxada Panshir ee NRF

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta dooxada Panshir ee dalka Afghanistan.

Xoogaga Taliban waxay sheegeen inay la wareegeen degaanno cusub khasaaro culusna gaarsiiyeen kooxda iskaaabinta ee NRF ka dib markii ay socon waayeen wadahadalo labada dhinac u dhexeeyey.

Hase ahaatee kooxda NRF ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan marinada laga gala dooxada, Talibanna ay ka dileen boqolaal dagaalyahan.

Kooxaha iska caabinta waxaa ku jira Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Amrullah Saalax, ciidamo horay uga tirsanaa Milatariga Afghanistan iyo mleleeshiyaad maxalii ah oo u hoggaaminaya hogaamiya qabali ah Axmed Mascuud.

Panshir waa gobolka kaliya ee aan wali gacanta u gelin Taliban, waxaana la rumeysan yahay iney halkaas ku sugan yihiin boqolaal dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -