Michael Cohen oo Shaaciyay in Donald Trump yahay Cunsuri iyo Qaa’in (Daawo Sawirro)

Qareenkii hore ee Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ninka lagu magacaabo Michael Cohen ayaa hortagay Warbixino xasaasi ahna siiyay Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Michael Cohen  ayaa Madaxweynaha dalka Mareykanka ku tilmaamay in uu yahay cunsuri, beenlow iyo qaa’in, waxa uuna guddigan katirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka u sheegay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Madaxweyne Trump.

Waxa uu sheegay Cohen  in madaxweynaha uu ogaa kuna amray inuu uga been sheego Congress-ka qorshe uu doonayey inuu dabaq dheer uga dhisto magaalada Moscow, inkasta oo uu cod-bixiyayaasha u sheegay inuusan xiriir ganacsi la lahayn Ruushka.

Qareenkii hore ee Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Trump uusan marnaba u maleeneyn in uu ku guuleesan doono hamigiisii ku aadanaa in Madaxweyne ka noqdo Mareykanka.

Michael Cohen waxaa kale uu sheegay in Trump uu ogaa in la-taliyaha ololihiia doorasho Roger Stone uu xiriir la lahaa aas-aasaha ururka WikiLeaks oo baahiyey emailo laga xaday xisbiga dimoqraadiga Mareykanka.

Qareenkii hore ee Madaxweynaha Mareykanka Michael Cohen ayaa la filayaa in labo bilood kadib ay u bilaabato in uu galo xabsi sadex sano ah, kadib markii lagu helay dambi ay kamid tahay in uu been u sheegay Aqalka Congreska Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -