Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday shil gaari

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Puntland ayaa shil gaari ku geeriyooday kaasoo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso

Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Mire oo laga soo doorto gobolka Bari, waxaana shilku ka dhacay degaan lagu magacaabo Alxamdulilaah oo ku yaalla inta u dhexaysa magaalada Boosaaso iyo degmada Waaciyei.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga xildhibaanku la socday uu dul maray gaari xamuul, wuxuuna Maxamad Faarax Mire kamid ahaa xildhibaanada cusub ee Barlamanka Puntland ka soo galay gobalka Bari.

Waxaa kale oo shilka gaari ku dhintay nin lagu magacaabi jiray Maxamud Sahal oo la socday, waxayna labadaba ahaayeen laba shakhsi oo si weyn looga yaqaan Gobolka Bari.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan reer Puntland ee uu ka baxay Maxamed Faarax Mire, isagoo Alle uga baryay in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -