(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweynihii hore ee Somalia & Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka ayaa sheegaya iney ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo isna hogaamiya xisbi kale oo siyaasi ah ayaa kulankaas goob joog ka ahaa.

“Waxaan galabta kulan la yeelanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Hogaamiyaha Xibsiga Ilays. Waxaan kulanka oo saacado qaatay iska warsanay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Waxaan hoosta ka wada xariiqnay inaan si Wadajir ah danta guud uga wada shaqayno, kulamo joogta iyo talo balaarin aan samayno.” ayuu bartiisa Facebook kusoo baahiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynihii hore Xasan Shiikh ayaa isna soo dhigay bartiisa Facebook qoraalkan hoose:-

Galabta, waxaa hoygeyga igu soo booqday hoggaamiyayaasha Xisbiyada Wadajir iyo Ilays, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali Waxaan kawada hadalnay hirgelinta nidaamka xisbiyadda iyo xaaladda guud ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -