Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay dalka Kenya iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray injineero ku jiray howlo kormeer ah.

Qaraxa miino ayaa haleelay gaadiid ay la socdeen injineero kormeeray waddada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, qaraxan ayaana ka dhacay waddo marta deegaan ku dhaw magaalada Gaarisa.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah la sheegay in ay ahaayeen injineeradii kormeerka ku jiray, waxaana jira dad kale oo iyana ku dhaawacmay qaraxan oo xaaladooda lala tacaalayo.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Waqooyi Bari, George Seda ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxdii ka dambeesay qaraxa miino ee lagu dilay injineerada, waxa uuna sheegay taliyaha in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo dadkii qaraxa ka dambeeyay.

Gobolka waqooyi bari Kenya deegaanno kamid ah waxaa ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala eegto inta badan ciidamada Kenya, waxaana badanaa baxsada kooxaha fuliya weeraradaasi qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -