Gudoomiye kuxigeen cusub oo loo magacaabay Degmada Dayniile (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu kala qaaday xilka Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Degmada Dayniile.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Dayniile ayaa markii hore ahaa hal xil waxaana hayay Axmed Nuur Adeerow , hasa ahaatee Gudoomiyaha gobolka ayaa xilkaasi hada u kala qaaday labo Gudoomiye kuxigeen oo kala ah Amniga iyo siyaasada.

 

Wareegtada kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay Cabduqaadir Cali Faracade in uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga ee Degmada Dayniile.

Degmada Dayniile ayaa markii hore laheyd labo Gudoomiye kuxigeen waxaana hada laga dhigay sadex Gudoomiye kuxigeen, lamana oga waxa uu soo kordhin karo Gudoomiye kuxigeenka lagu soo kordhiyay maamulka degmada Dayniile.

                             Halkan ka Akhriso Digreetada magacaabista 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -