Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Deg deg ah oo laga yeeshay dadkii shalay lagu laayay Duleedka Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Booliska ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay dadkii shacabka ahaa ee shalay sida naxariis darada ah loogu laayay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay dhacdada lagu laayay dadkii ka shaqeenayay olalaha nadaafada iyo sidii loo ogaan lahaa cidii ka dambeesay falkaasi lagu laayay 9-ka qofood ee haweenka u badnaa.

Wasiirka Amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa faray saraakiisha laanta dambi baarista booliiska ee CID-da in baaritaano deg deg ah ku sameeyaan falkaasi dadka shacabka ah lagu laayay sida ay u ku dhacday iyo cidii ka dambeesay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xarunta Dambi baarista CID-da looga yeeray maamulka deegaanka Lafoole iyo saraakiisha amaanka deegaankaasi, kuwaa oo wax laga weediinayo dadka la laayay iyo sida amaankooda loo dayacay.

Wasaarada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa dooneysa in la helo meel loo raacdo dadka sida gardarada ah loo laayay, waxa ayna Wasaarada amartay in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falkaasi foosha xun ee shacabka lagu laayay.

 

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dadkan shacabka ah ee lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi ee kuyaala inta u Dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, maamulka Shabeelaha Hoose ayaan weerarkan ku eedeeyay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro hortagay Golaha aqalka Sare ee Soomaaliya? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya iyo FAO oo kala saxiixday heshiis xog la isku dhaafsanayo

Cabdi Cade

Qalabkii Idaacada Al Shabaab oo la keenay Muqdisho iyo Wasiir Iidaan oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---