Ciidamada Danab iyo Kuwo Mareykan ah oo howlgal gaar ah ku dilay 35-dagaalyahan

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab oo garab ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheesan waxa ay ku dileen dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa xalay howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Hiiraan oo Al Shabaab  xarumo ku lahaayeen, waxaana howlgalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka ciidanka Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen gobolka Hiiraan lagu dilay 35-katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Milatariga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan xalay lagu qaaday Al Shabaab uu jawaab u ahaa isku day weerar oo Shabaab ay sameeyeen labo habeen ka hor.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheesan ay xiliyada habeenkii ah ka fuliyaan deegaanada iyo degmooyinka Al Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -