Dad Shacab ah oo lagu laayay Deegaan u Dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xaawo Cabdi ee kuyaala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in kooxo hubeesan halkaasi ku laayeen dad shacab ah oo olole nadaafadeed waday.

Kooxo hubeesan ayaa la sheegay in rasaas xoogan ku fureen dad shacab ah oo olole nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan dhanka Laamiga , waxaana dadka la weeraray ay u badnaayeen haween ka shaqeeya Nadaafada.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay 8-qof oo u badnaa haween masaakiin ah, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay weerarkan sida ay xaqiijiyeen maamulka Deegaanka Lafoole.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi dadka shacabka ah lagu laayay ay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al Shabaab , waxa uuna sheegay in dadka la laayay ahaayeen masaakiin olole nadaafadeed waday.

Wali lama oga kooxda weerarka geesatay cida ay yihiin, waxaana dhacdadan dadka shacabka ah lagu laayay aad uga naxay dadka ku dhaqan deegaanka Lafoole oo isugu tagay goobta dadkaasi lagu laayay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -