Diyaarad Rakaab siday oo Goordhaw ku bur burtay magaalada Semirom 

Diyaarad nuuca rakaabka qaada ayaa lagu soo waramayaa in goordhaw ku bur burtay magaalada Semirom ee bartamaha dalka Iiraan, waxaana diyaaradan saarnaa rakaab gaaraya 60-qof 6 lix qof oo shaqaalaha diyaarada ahaa.

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa ku waramaya in diyaarada ay ku bur burtay dhul buuraley ah, waxaana wali adag in la gaaro halka ay diyaaradu ku bur burtay cimilada aagaas oo aad u xun owgeyd.

Diyaaradan bur burtay ayaa ka duushay magaalada Tehran ee caasimada dalka Iiraan waxa ayna kusii jeeday magaalada Yausj, waxaana la rumeesan yahay in ay dhinteen dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa.

Dowlada Iiraan ayaa u dirtay halka diyaaradu kusoo dhacday diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca iyo kooxo gurmad ah, walina lama oga waxa keenay in diyaaradan ay dhacdo.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -