Wararkii ugu dambeeyey dilka Xildhibaan Boqore & Al-shabaab oo war ka soo saartay

Faahfaahino ayaa kasoo baxaya dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maqribnimadii caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo Al-shabaab ay war kasoo saartay dilkiisa.

Dilkan xildhibaanka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho oo uu deganaa, isagoo ahaa xildhibaanka kaliya ee xaafadaha Muqdisho degan, si xornimo ah u mari jiray magaalada Muqdisho, isagoo aan cidna ka baqin.

Ragga weerarka fuliyey ayaa lagu sheegay inay ahaayeen laba nin oo bistoolado watay, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada amniga ay qabteen gaari ay la socdeen iyo darawalkii waday, waxaana baxsaday labadii dabley ee dilkiisa geystay sida warar xog ogaal ah ay sheegayaan.

War ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in dabley ka tirsan kooxda ay ay howlgal qorsheysan ku dileen xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre, waxaana warkaasi lagu sheegay in ciidamada howlgalka fuliyey ay si nabadgelyo ah uga tageen goobta dilku ka dhacay.

.Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu faray inay baaritaan ku sameeyeen sharcigana hor keenaan dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -