Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Milatariga Soomaaliya

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar culus waxa ay ku qaadeen saldhig ciidanka Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday madaafiic iyo hubka culus oo Al Shabaab ku garaaceen saldhiga Milatari, waxaana markii dambe halkaasi ka bilowday dagaal toos ah oo labada dhinac dhax maray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay xalay saqdii dhaxe ay maqlayeen jugta culus iyo rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana dagaalka uu cabsi badan ku abuuray shacabka ku dhaqan Waajid.

Khasaaro ayaa lasoo sheegayaa in dagaalka uu kasoo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, lamana oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Waajid.

Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah xiliyada habeenkii mararka qaar ku qaada saldhigyada ay ciidamada dowlada ku leyiihiin qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -