Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogatay Sahal Axmed Rafle

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala Deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan waxa ay ku toogteen nin ay ku sheegeen in uu katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa dowlada Imaaraatka Tababartay.

Dagaalyahno katirsan Al Shabaab ayaa gaari kala degay nin dhalinyaro ah oo kusii jeeday Degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud, waxa ayna Al Shababa sheegeen in ninkan katirsanaa Ciidanka dowlada uuna is qarinayay.

Maxkamada Al Shabaab leedahay oo la saaray ayaa ugu dambeyn xukun dil ah ku riday Sahal Axmed Rafle oo kooxda Al Shabaab sheegeen in uu kamid ahaa ciidanka Dowlada ee tababarka siisay Imaaraatka Carabta.

Fagaare kuyaala deegaanka Buq-Aqable ayaa lagu toogtay ninkan Al Shabaab ku eedeeyeen in ciidanka dowlada katirsanaa, waxaana goobta dilku ka dhacayay goob joog ka ahaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne kala duwan.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan marar badan ku toogtay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiis iyo kuwa katirsan ciidanka dowlada, dowlada Somalia ayaana inta badan ka hadlin dadkan Shabaab xukunka dilka ah ku fuliyaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Biden oo la hadlay Amiir Qatar ka dib caqabada soo wajahday xabad joojintii Gaza

Caydiid Ali

Duqii magaalada Jalalabad oo Daalibaan isku dhiibay kuna wareejiyay xilka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo ka hadashay weerar ka dhacay degmada Ceelbuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---