Kulanki Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday iyo sababta ka dambeysa

Waxaa dib u dhacay kulankii lagu waday iney magaalada Addis ababa ee dalka ku yeeshaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey raisul Wasaaraha Itoobiya ayuu qorshuhu ahaa inuu labada hogaamiye kulansiiyo, balse wararka ayaa sheegaya in caqabado ay soo wajaheen kulankan.

Caqabadaha ka hor yimid qabsoomida kulankaas ayaa waxaa ka mid ah cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac sida ay sheegayaan warar aynu ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Muuse Biixi iyo wafdigii uu horkacayey ayaa gaaray galabta magaalada Addis ababa, hase ahaatee Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa u soo ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo kansalay safarkoodii Addis ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la sheegay inuu kulamo la yeelan doono Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, iyadoo War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay in Muuse Biixi aysan u qorsheysneyn inuu Addis ababa kulamo madax ka socota dalal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -