Maxaa ka hortaagan dowlada Farmaajo in ay fuliso Xukunnada Dilka?

Tan iyo intii jagada madaxtinimada Soomaaliya loo doortay madaxweyne Farmaajo ma jirin wax xukun qisaas ah oo la fuliyay, wallow ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil shaqsiyaad dhowr ah oo lagu soo eedeeyay falal ciqaabtiisu dil tahay, hadana waxaan weli saxiixin madaxweyne Farmaajo.

Inta uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayo oo ku dhow muddo sanad iyo bar ayaa waxaa xukun dil ah maxakamada ciidamada qalabka sida ku riday 13 (sedex iyo toban) shaqsi, 8 (siddeed) ka mid ah ay yihiin rag Alshabaab ah halka 5 (shanta) kale ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, hase ahaatee midna laguma fulin xukunkii qisaasta ahaa.

Labadii Madaxdweyne ee ka horeeyay Farmaajo ayaa si toos ah u fulinayay xukunnada qisaasta ciddii wax disha, taasoo hoos u dhigtay dilalka bareerka ah ee geysan jireen ciidanka dowladda.

Hadaba waa maxay sababta hortaagan?

Dad badan ayaan su’aashan is weydiinaya maadaama arintaasi tahay mid shareecada islaaamka iyo dastuurka dalkaba dhigayaan in la qisaaso qofkii qof dila. Hadaba mar aan wax ka weydiiyay dad sharciga aqoon u leh ayaa jawaabahooda kusoo koobay sidan:

Madaxweyne Farmaajo oo heysta Paasapoorka mareynkanka, sharciga mareynkankana wuxuu dhigayaa inan la dilin qofkii qof dila wixii ka danbeeyay sanadkii 2007-dii, taasoo keeni karta in madaxweynuhu ixtiraamayo dastuurka dalkaasi u degsan, wallow mareykanka qudhiiso ay maalin walba dilal ka dhacaan iyadoo qaar ka mid ah dilalkaas ay geystaan ciidama amaanka dalkaasi.

Dowlada federaalka Soomaaliya waxaa deeq ku bixiya qaramada midoobe iyo waddamada reer yurub  kuwaasoo loo maleynkaro inay madaxweynuhu ku cadaadiyeen inan la fulin xukunnada dilka hadii kale ay saameyn ku yeelan karto deeqaha ay bixiyaan, inkastoo madaxdii isaga ka horeysay ay fulin jireen xukunnada qisaasta hadana wax saameyn ah kuma yeelan, wallow ay jireen heey’ado u dooda xaquuqda aadanaha oo ka tirsan Qaramada Midoobe oo dhaliilay xukunnada qisaasta, laakin taas looma joojin.

Waxaa laga yaabaa inay jiri karaan sababo kale, laakin marna ma muuqato sabab madaxweynaha ka hor istaageysa inuu ku dhaqmo dastuurka dalka u degsan oo uu ku dhaartay inuu meel marinayo.

Geesta kale, dilalka bareerka ah ee geeystaan ciidamada dowladda ayaa isa soo taray haba ugu badnaadeen dilalka loo geysto darawalada Mooto-Bajaajta, iyadoo ay ugu danbeysay shalay in askari ka tirsan ciidanka dowlad uu toogtay nin darwal gaari-rakaab kadib markii uu u diiday lagac shan kun oo Shilin Soomaali, taaso u muuqato inaanu askarigu ka baqeyn wax ciqaab ah falkii u sameeyay.

Maxaa ka dhalan kara hadaan la fulin xukunka qisaasta?

Ilaahay waxa uu quraanka kariimka ah inoogu sheegay SUURATU BAQARA in qisaasta ay inoogu sugnaatay nolol micnaha qofkii wax dila oo loo dilaa waa badbaado oo waan ku kala nabadgalaynaa nololna waa ku helaynaa, taasi badelkeed hadaan la fulin waxaa badanaya dilalka mar hadii aanay jirin ciqaab ay dadka ka baqaan.

Madaxweynaha waa mas’uulka ugu sarreeyo dalka waxaana muhiim ah in marka hore isaga sharciga iyo cadaalada Ilaaliyo, si ay dadka kalena ugu hogaansanaadaan.

Waxaa hubaal ah in Ilaahey SWT kula xisaabtami doonna qiyaamaha cid kasta oo hor istaagta in la fuliyo xuduudiisa, waxaana rajeynayaa inuusan madaxweynaha diyaar u aheyn carro Ilaahey.

Dhanka kale, xildhibaanada baarlamaanka oo loo doortay inay la xisaabtamaan madaxda iyo xukuumada ayaan marna ka hadal arintan tiiyoo ay jirto in qaarkood ay xukuumadda marwalba ku dhaliilaan wax qabad la’aan, mise badankood waxay sitaan paasapooro ajnabi ah kamana hadli karaan arimahanoo kale oo waxey fiirsanayaan danahooda gaarka ah!

Si kastaba, cadaaladda ayaa ah sheyga ugu horreeya ee ay u baahantahay umadda soomaaliyeeda hadii aan iyada la fulina oo ay howshu noqoto qawda maqashii waxna ha u qaban, waxaa adkaan doonta in la helo Nabad iyo Nolol.

W.Q  Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -