Nicholas Heysom oo Qoraal u diray Wasiirka amniga Somalia, Su’aalo culusna hordhigay

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Qoraalkaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-kII bishan dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayey muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Dismabar.

Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegay in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.

Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xirnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay haatan taageero siiso ciidamada booliska federaalka iyo ciidanka booliiska Koonfur Galbeed.

Waxa uu Haysom warqaddaasi ku sheeegay inuu warqad ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasoo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada boolisika Koonfur Galbeed iyagoo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeeidyey Taliyahooda.

Waxa uu ku sheegay warqaddaasi in warar lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in qabashada Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey xarunta ciidamada 3-aad ee AMISOM oo ah kuwa kuwa Itoobiya kadibna lagu wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu helay warqaddii ay wasaaradda amniga ka qortay xariga Roobow balse ee cuskatay inuusan kasoo wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo inuu hub iyo ciidan soo galiyey magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.

Haysom waxa uu sheegay in haddii eedahaas la xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxa uu sheegay inaan weli Roobow la hor keenin maxkamad, isla markaana aan dambi lagu soo oogin.

Haysom waxa uu ka dalbaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

Xigasho:VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -