Daawo Sawirada: Munaasabad lagu qabtay Xerada Ciidanka Cirka ee Afaziyooni

Waxaa maanta munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 59aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed  lagu qabtay Gudaha Xerada Ciidamada Cirka ee Afaziyooni.

Munaasabadan waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, taliyaal hore, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay munaasabada ayaa ka sheekeeyay taariikhda ciidanka cirka Soomaaliya iyo xaaladihii kala duwanaa ee soo mareen.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed cali Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in Wasaarada ay wado dadaalo ay ku dooneyso in lagu dhiso laguna tayeeyo ciidanka cirka Soomaaliya.

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo xiligii kacaanka awood badan lahaa ayaa hada ah kuwa aan shaqeyn oo magac u yaal ah, mana heestaan ciidanka cirka Soomaaliya diyaaradii loo baahnaa in ay adeegsadaan kuna difaacaan Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -