Ganacsade caawa lagu toogtay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dilay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari mid ka mid ah ganacsatada magaalada.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Salaad Cabdi Cukaash ayaa Xisaabiye uud ka ahaa Shirkad ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.

Wararku waxay intaas ku darayaan in marxuumka la dilay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajidka Cali Bin-Abii Daalib ee ku yaalla xaafada raf iyo Raaxo, halkaasoo uu ku soo tukaday Salaada cishaha.

Lama oga sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida ka dambeysa dilkiisa, balse falkan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada booliska Puntland ay ka bilaabeen magaalada Boosaaso howlgal balaaran oo lagu sugayo amniga magaaladaas oo mudooyhinkan sii xumaanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -