Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Khamri laga keenay Itoobiya oo lagu bur buriyay magaalo kutaala Soomaaliya (Sawirro)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qab qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo isugu jiray Khamri iyo Xashiish.

Howlgalka inta uu socday ayaa ciidamada Puntland waxa ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen dadkii ka ganacsanayay Khamriga iyo Xashiishka la qabtay, waxa ay sidoo kale ciidamada qabteen lacag laga sameeyay waxyaabahaasi maanka dooriya.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu bur burinayay khamriga iyo Xashiishka ayaa sheegay in laga keenay waxyaabahan maanka dooriya dalka Itoobiya.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ciidamada Booliiska qabteen khamri iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya oo dhibaato ku hayay dhalinta soo koreysa.

Waxa uu sheegay taliyaha in guul tahay in laga hortago waxyaabahaasi maanka dooriya oo halis galin lahaa nolosha dhalinyarada, waxa uuna digniin u diray dadka keena iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya .

Magaalada Boosaaso waxaa kunool dad badan oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, dadkan ayaana isugu jira kuwa halkaasi ganacsi ka sameestay iyo sidoo kale kuwa u yimid in ay kasii tahribaan ama ku noolaadaan.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaaskii ugu badnaa abid oo laga helay Deegaan ay Soomaali leedahay

Cabdi Cade

Baadari weyn oo 45 sano kaddib qaatay diinta Islaamka kana hadlay sida uu isku bedelay!

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax laga bedelo Heshiiska Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---