Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo u Safray Dalka Ingiriiska (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska .

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo sameeyey Dhoolatus & Shidaal-siin (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii gobolka Sh/dhexe oo xilka laga qaaday & mid kale oo la Magacaabay

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay Banaan baxyada Facebook laga abaabulayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---