Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeymo ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu faah faahiyay duqeymo diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana duqeymahaasi lala beegsaday goobo la sheegay in Al Shabaab joogeen.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntii ugu dambeysay oo 5-tii bishan ay ka geesteen meel ku dhaw Deegaanka Leego ee gobolka Shabeekaha Hoose, waxaana Mareykanka sheegay in duqeyntaasi Al Shabaab khasaaro xoogan uu kasoo gaaray.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Mareykanka oo gacan siinayay ciidanka dowlada weerar la beegadeen goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Leego.

Duqeya Mareykanka ka fuliyeen aaga Leego ayaa la sheegay in lagu bur buriyay gaadiid dagaal Al Shabaab lahaayeen sidoo kale dagaalyahano looga dilay, Mareykanka ayaana sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka

Diyyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, duqeynta ayaana cabsi badan ka aburtay deegaano iyo degmooyin ay maamulaan Al Shabaab.

 

Related posts

Raisul Wasaare Khayre & wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Masuuliyiin katirsan Dowladda Jabuuti oo loo xiray Heshiis khiyaano ah oo ay sameeyeen

Cabdi Cade

War Murtiyeed laga soo saaray shir DF iyo dowlad goboleedyada uga socday Kismaayo

Caydiid Ali