Yaa ku tartamaya Doorashada Beri ka dhacaysa Dhuuso Mareeb ? (Daawo Sawirada)

Waxaa beri lagu wadaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug lagu qabto doorashada Kursi ka banaan Aqal Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kursigan loo tartamayo iska leh Beesha Murusade gaar ahaan jufada Habar Ceyno.

Doorashada Kursigan ka banaan Aqalka Hoose oo horey isaga casilay Xildhibaankii ku fadhiyay waxaa ku tartamaya Genaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugisa  iyo Xiirey Muxudiin Cumar Gudoomiyihii hore ee Degmada Dayniile.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa hada kuwada sugan labada musharax ee ku tartamaya kursigan ka banaan Aqalka Hoose, waxaana magaalada ka socda abaabul ay wadaan labada musharax ee kursigan ku tartamaya.

Generaal Gaafow oo ah Siyaasi iyo Sargaal rug cadaa ah ayaa aad loogu saadaalinayaa in kursigan Xildhibaanimo  uu kusoo baxo, waxa uuna Jeneraalka taageero badan ka heestaa ergada iyo waxgaradka Beesha uu kasoo jeedo iyadu dooraneysa cida kursigan ku mataleysa.

Doorashada beri oo talaado ah ka dhaceysa magaalada Dhuuso Mareeb ayaa ah mid si weyn xiiso u leh loona wada sugayo, waxaana magaalada buux dhaafiyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasaiiro, Siyaasiin ,iyo Waxgarad kuwaa oo doonaya in goob jog ka noqdaan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -