Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-Shabaab oo dib ula wareegtay degaano dhowaan laga saaray

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Jubbada hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaano laga saaray dhowaan oo ku u yaalla hareeraha magaalada Kismaayo.

Deegaanada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay Xoogaga Al-Shabaab iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah

Ciidamo huwan ah oo isugu jira kuwa maamulka Juballand iyo kuwa Kenya oo gacan ka helaya ciidamao Maraykan ah ayaa iskood uga baxay degaannada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani ka hor inta aysan halkaas dib ula wareegin Al-Shabaab.

Ciidamadii huwanta ahaa ayaa dib ugu laabtay garoonka dayuuradaha Magaalada Kismaayo iyo deegaanka Cabdalla Biroole.

Arintan ayaa dhabarjab ku ah maamulka Axmed Madoobe oo todobaadyadii la soo dhaafay sheegayey iney duulaan ku qaadi doonaan degaano ka tirsan jubbooyinka oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo shaaciyay in qalab Dowlada loogu deeqay lagu iibsaday Suuqyada

Cabdi Cade

Gaadiid horey looga qaatay wasaarrado katirsan dowladda oo dib loo soo celiyay

Cabdi Cade

Gabar markii ugu horeesay loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---