DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

Waxaa goor dhow oo fiidnimadii ah qarax meelo badan laga maqlay uu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Tre-biano oo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuna dhow isgoyska Km4

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari yar oo nuuca raaxada ah uu qarxay xili uu yaalay agagaarka Tre biano oo ah goob mashquul badan oo ay ku yaalaan goobo ganacsi oo fara badan

Ciidamo katirsan booliiska degmada Waaberi aya gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna ciidamada goobtaasi ka wadaan baaritaano.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inuu dab qabsaday uuna ku gubanayo goobtaas, waxaana la soo werinayaa iney jiraan dad dhaawacmay.

LA SOCO FAAHFAAHIN GOOR DHOW INSHA ALAH

- Advertisement -