Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Nabadoon wax kasoo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo caawa la dilay

Kooxo hubeesan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo la sheegay in uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada golaha shacabka wax kasoo doortay.

Dhalinyaro hubeesan ayaa la sheegay in ay toogteen Nabadoon Xayeesi Mursal oo kamid ahaa ergadii Xildhibaanada golaha shacabka kusoo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in raga dilka geestay ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana daqiiqado kadib goobta uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Afgooye oo sameeyay baaritaano .

Dilalka qorsheesan ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xaalada amaan ee Afgooye hada u muuqataa mid faraha kasii baxeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaska ninkii uu gaariga ku dilay wiilka Madaxweyne Xasan oo si carro iyo dareen leh u hadashay

Cabdi Cade

Dab xooggan oo caawa qabsaday Warshad ku taalla duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Somalia oo dalab culus hor dhigtay Shirka madaxda Midowga Afrika ee Addis Ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---