Xukun adag oo lagu riday nin qaba HIV/AIDS oo kufsaday gabar 9 jir ah (Akhriso)

Maxkamad ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa xukun culus oo dil iyo bixinta Magdhow ku riday nin qabay cudurka AIDS-ka oo ku kufsaday gabar 9 sano jir ahayd.

Maxkamadda Darajada koowaad Gobolka Mudug ayaa Dil toogasho iyo Magdhow dhan 5000 kun oo Doollar ku xukuntay eedaysane Mukhtaar C/kaafi Xersi oo lagu helay kufsiga gabar yar oo 9 sano jir ah oo lagu magacaabo Farax Faarax Jaamac Siyaad.

Eedeysane Mukhtaar C/kaafi Xersi ayaa la xaqiijiyey inuu qabay Cudurka HIV, wuxuuna Bishii Febraayo ee 2019 sanadkan Magaalada Gaalkacyo ku kufsaday Gabar 9 sano jir ah isagoo qaadsiiyey Cudurka HIV.

Eedeysanaha la xukumay ayaa da’diisu ahayd 36 sano jir, waxaana dadkiisu ku doodeen in dhimirkiisu uusan taam ahayn, taasoo caddeymo loo waayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -