Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Somaliland oo Go’aano adag kasoo saartay Dagaalka Laascaanood ka qarxay

Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirkaas oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood.

Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay go’aamaddan:-

1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay maamulka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.

2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.

3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa in Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.

4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.

5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.

6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka  Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.

7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.

 

Related posts

Taliyaha Booliska oo sharaxay ujeedka uu ka lahaa hadal laga duubay oo muran dhaliyey

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya DFS iyo Bangiga Adduunka oo Nairobi ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

James Swan oo balan-qaad u sameeyey Taliska ciidanka Booliska Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali