Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo ka hadlay Dagaalka ka socda Boosaaso

Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ee ka amar qaata taliyihii hore ee ciidankaasi Maxamuud Diyaano ayaa maalintii sadexaad ka socda magaalada Boosaaso.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa sheegay in si weyn uga walaacsan yihiin dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ay qeybta ka yihiin ciidamada loogu tala galay la dagaalanka argagaxisada ee PSF.

“PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisad.waxaan ka walaacsanahay in iska horimaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagaxisada ah ay fursad u helaan in ay ka faa’ideystaan ayaa lagu yiri” Warka PSF.

Ciidamada PSF oo ah kuwa si gaar ah loo tababaray kuna qalabeesan hub casri ah ayaa waxaa tababar siiyay sidoo kale taageera Mareykanka , waxaana ciidankan sanado badan gacanta ku hayay qoyska reer Diyaano .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -